MusaabaqoAfsom
NadwoCulimo
JadwalkaQolka
TarbiyadaCarurta
MarkaskaAlhudda
Manhajkeena
Fataawoyinka
Maqaalooyin
Tabarucaadka
TahniyadHambaly
Contact Us

 

More Information

 

 



Musdalaxa Xadiiska Sh. Shariif Cabdi Nuur

Minhaajka Usuusha Sh. Shariif Cabdi Nuur

Kitaabul Bukhaari Sh. Shariif Cabdi Nuur

Islaaxul mujtamac sh. Boqolsoon.

Kitaab cusub Tuxfatul-Adfaal "sh. Abdirashiid A.

Naylul Awdhaar "sh. M. Shible

Walayaal Jadwalka Qolka Dacwada Riix Halkaan.

Tafsiirka Quraanka Kariimka

1.Sh.cumar Faaruuq xafidulaah

2.Kitaab Caqiida Safraaniya & Caqiidatu zalaf sh.Maxamed cabdi Ummul.

3.Luuqada Musdhalaxa Sh.Cabdicaziiz Sh.Cismaan

4.Kitaab NaxweSarfi &Kitaab Uzuul Fiqi &Kutubo Kale sh.maxamuud shible

5. Kitaab Adaab Mufrad & Kitaab Cumadti Axkaam Sh.XasaanXuseen

Walaalayaal Wixii Cilad Farsamo Noo Soo Sheeg

6.Axkaamtu Ruqiyah Sh.Cali Xoogsade

Barnaamishka Caruurta Soomaliyeed

7.Tabarucaadka


8.Maqaalo Diini ah

 

 

More Information

 

 

 

Waa Maqaalo Diini ah
Axkaamta Udxiyada Sh.Cali Xoogsade

Udxiyada waa xoolaha loo gowraco

ciida darteed maalinta ciidda ah iyo 3da maalin ee ka dambeysa

cibado ahaana loola jeedo

in ilaahey loogu dhawaado

waxa uuna qur’aankiisa allaah ku yiri:-

??? ???? ?????

( ??????????? ???????

????? ????? ????

????????? ???????)

Waana sunno aad u muhiim

ah mana wanaagsano

inuu ka tago qof waliba

oo awood u leh,

nabiga suubana kama tagin

inuu udxiyo la baxo mudadii

10ka sano ee uu joogay

magaalada Maadaiina:

sidaa darteed waxa ay

Culimaudiinka yiraahdeen

waxaa xataa u banaan

qofka awooda inuu deyn qaato

iskana bixin kara inuu qaato

si uu udxiyada u baxsado

oo ajarkeeda u dhaafin.

Muslimiintuna waxa ay

ku mideysan yihiin sharci

ahaanta udxiyada,

waxa uuna gowraca udxiyada

biloowdaa salaada

ciidda kadib Sida uu cadeeyay Nabigasuuban :-
?? ??? ??? ??????

??? ?? ???? ?????

??? ????????

Qofkii goracaa salaada

ka dib udxiyadiisa uu u ansaxday,

sunnadii muslimiintana wuu haleelay)

Shuruudaha udxiyada

Udxiyada waa ineysan

afar dhaliilood midoodna

lahaanin Sida uu cadeeyay

Rasuulka sharafta leh ;-

????? ?? ???? ?? ??????? :

??????? ????? ????? ,

???????? ????? ?????

???????? ?????
?????, ????????

???? ?? ????

1- Ineysan ahaan mid Il la’a si muuqato
2- Ineysan bukin Jiro muuqato
3- Ineysan lug la’aan oo jiisnimo aysan ka muuqan
4- Ineysan aheyn caato daran oo dhuux la’a

Sidaas darteed dhaliil ka sii weyn

afartaasna waa ineysan qabin

Waxaa wanaagsan qofka yaqaan

gowraca inuu asaga gacantiisa

ku gowraco sida nabigaba

gacantiisa ugu gowracay asaga oo magacaabaayo allaah ka dibna

naftiisa iyo ehelkiisa ama cidda u

wakiilatay -

??? ???? ???? ????,

????? ??? ?? ???? -

qofkii aan gowraca aqoonin

waxaa haboon inuu joogo

meesha lagu gowracaayo

udxiyadiisa hadii u awoodo,

sidoo kale waxaa wanaagsan

inuu qeybka cuno qeybna

u hadiyeeyo Qaraabada & Dariska, Masaakiintana wax kaga sadaqeeyo


(???????? ???????

???????????? ?????

????? ??????????)

( ???????? ???????
???????????? ?????????? ??????????????)

Waxaa u haboon qofka

baxsanaayo udxiyada

Inuusan jarin Wax ka mid ah

cidiyadiisa ama timahiisa

marka ay bilato bisha Dul- xaj,

hadii uu jarana wax kamid ah

waa inuu illaahey u towbad keenaa udxiyadiisuna waxba uma dhimeyso,

hadii uu iloobo ama dan ku kaliftana

waa jari karaa waxaana sidoo

kale ka reeban inuu iibiyo xubin

kamid ah neefka udxiyada ah amaba

uu kiro ahaan u siiyo midka xoolaha gowracaayo.

????? ????? ??? ??? ????? ????

Waxaa si wada jir ah u wada diyaariyay
Calinuur xoogsade & Abshir maxamad

 


 

 

 

Udxiyada Malaga Bixin Karaa Mowtada?

Udxiyada Dadka Dhintey Waa Sidee?

Udxiyo malaga bixin karaa meydka?
waa su.aal in badan soo noqnoqota

1-Udxiyadu waa sharci sida ku cad kitaabka sunnada iyo ijmaaca muslimiinta nabigana waxa uu ku tilmaamay fadligeeeda aad inuu u weyn yahay


وعن عائشة رضي الله عنها قالت : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم " ما عمل ابن آدم من عمل أحب من إهراق الدم وانه ليأتي يوم القيامة بقرونها وأشعارها وأظلافها , وإن الدم ليقع من الله بمكان قبل أن يقع بالأرض فطيبوا بها نفساً " رواه الترمذي وابن ماجه ..

2- meydka oo laga udxiyeeyo waxa ay la midtahay ayada oo laga sadaqeeyo ama laga xajiyo waana arrin sharciga ku banaan mana jiro wax farqiya oo u dhaxeeyo gaaritaanka ajirka sadqada xajka iyo gaaritaanka udxiyada qofkii kala saarana laba isla mid ah ayuu kala saaray,

 

arinkaana waxa uu ku cad yahay kitaabka sunnada iyo ijmaaca iyo qawaacida sharciga ah sida uu sheegay ibnul qayim mana diidaan ilaa qaar ka mid ah ahlu bidcaha waxa uu yiri "ibnu taymiya qofka sheegto inuusan gaareynin meydka waxa ay u hadiyeeyaan muslimiinta kale waxa uu meel uga dhacay ijmaaca muslimiinta...mar la weydiiyay malaga udxiyeyn karaa meydka waxa uu ku jawaabay ?{waxaa banaan in laga udxiyeeyo sida looga xajin karaba} sidaas daraadeed culimada in badan waxay si faahfaasan uga hadleen arinkaan waxeyna sheegeen qofka camal walba oo suuban oo uu sameeyo uuna hadiyeeyo ajirkisa inuu gaaraayo waxayna tusaale ahaan uga dhigeen sida salaada, soonka, xajka iyo sadaqada waxaana sugan in nabigu {nnkh} gowracay wan yirina kani waxan ka goowaracay Muxamad iyo Reerkiisa sidaas daraadeed culimada muslimiinta waxa ay yiraahdeen "rasuulka waxa uu u hadiyeeyay ajarka udxiyadiisa naftiisa iyo ahalkiisa, ahalkiisana waxaa ka mid ahaa kuwa nool iyo kuwa geeriyooday.

.
Ibnul qayimka kitaabkiisa Alruux waxa uu ku sheegay marka uu soo arooriyay adilada kitaabka iyo sunada kadib sida tan
وهذه النصوص متظاهرة على وصول ثواب الأعمال إلى الميت إذا فعلها الحي عنه وهذا محض القياس فإن الثواب حق للعامل فإذا وهبه لأخيه المسلم لم يمنع ............. أ . هـ
oo macnaheedu yahay:

{ nusuustan waxa ay xoojineysaa inuu camalka suuban ajarkiisu inuu gaaraayo meydka hadii uu ka sameeyo qofka nool arinkaana waa qiyaas cad maxaa yeelay ajarka waxaa xaq u leh qofka sameeyay hadii uu u hibeeyo walaalkiis muslimka ahna ma reebana..}waxaa kale oo ka hadlay arinkaan Shiekh yusuf al qardaawi oo ka mid ah culimada casrigan waxa uuna yiri {waa sharci in laga sadaqeeyo meydka sida ay ku mideysanyihiin mualimiinta, waxaana jiro labo arin oo aysan isku khilaafin madaahibta waana meydka oo laga sadaqeeyo iyo meydka oo loo duceeyo oo ilaahey dambi dhaaf looga dalbo...."} Sheeq ibni cutheymiin oo arinkan ka hadlayna waxa uu yiri:-{udxiyada waxaa asal ku ah sharci ahaan kuwa nool balse sida ay maleeyaan dadka qaar oo ah in lagu gooni yeelo dadka dhintay wax asal ah malaha..} waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay udxiyadu meydka waxay u qeybsantaa saddex qeybood :-

1) inuu ka bixiyo udxiyada kuwa dhintay isaga oo raacinaayo kuwa nool sida inuu qof ka udxiyeeyo naftiisa iyo ehelkiisa una niyeysto mid nool iyo mid dhintay arrinkaasna waxaa asal u ah udxiyada nabiga (nnkh) uu ka bixiyay naftiisa iyo qoyskiisa waxaana ka mid ah ahalkiisa kuwa marhore dhintay
2) inuu ka udxiyeeyo kuwa dhintay asaga oo fulinaayo dardaarankoodi arinkaasna waxaa asal u ah Allah hadalkisa

فَمَن بَدَّلَهُ بَعْدَمَا سَمِعَهُ فَإِنَّمَآ إِثْمُهُ عَلَى الَّذِينَ يُبَدِّلُونَهُ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

 

3) inuu ka udxiyeeyo kuwa dhintay samafal ahaan ayaga oo ka madaxbanaan kuwa nool, arinkaasna waxaa qabo culimada xanbaliyada ajarkeeda inuu gaaraayo meydka kuna intifaacaayo ayaga oo uga qiyaastay sadaqada meydka laga bixiyo waxa uuse yiri ibni cutheymiin: hasa yeeshee ma qabno in lagu gaar yeelo meydka udxiyo iney sunada ka midtahay maxaa yeelay Nabiga (nnkh) kama udxiyeynin qof ka mid ah ehelkiisa geeriyooday ka mid ah si gaar ah kamana udxiyeynin adeerkis xamza oo ahaa kuwa ugu jecelyahay ehelkisa kamana udxiyeynin caruurtiisii geeriyootay asaga oo nool waxayna ahaayeen saddex gabdhood oo reero lahaa iyo saddex wiil oo aan qaan gaarin mana ka udxiyeynin haweeneydiisii khadiijah oo uu xaasaskiisii ugu jeclaa, mana sugna in axad ka mid ah saxaabada xilligii nabiga inuu ka udxiyeeyo qof kamid ah ehelkiisa geeryooday...


waxa la weydiyay hey,ada culimada sacudiga meyd malagaudxiyeen karaa ?waxa ayna ku jawaabeen sidan nasa ahaan

السؤال الثاني من الفتوى رقم (1474)
س2: هل تجوز الأضحية للميت؟
ج2: أجمع المسلمون مشروعيتها من حيث الأصل، ويجوز أن يضحى عن الميت؛ لعموم قوله r: «إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، أو علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له»(21) رواه مسلم وأبو داود والترمذي والنسائي والبخاري في الأدب المفرد عن أبي هريرة، وذبح الأضحية عنه من الصدقة الجارية؛ لما يترتب عليها من نفع المضحي والميت وغيرهما.
وبالله التوفيق وصلى الله على نبينا محمد وآله وصحبه وسلم .
اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء
عضو، نائب رئيس اللجنة، الرئيس
عبدالله بن غديان، عبدالرزاق عفيفي، عبدالعزيز بن عبدالله بن باز

Hadaldaas culimada muslimiinta waxaa si kooban looga qaadan karaa in meydka muslinka ah udxiyo laga bixin karo laba arin darteed: 1=hadii lagu udxiyada lo wada niyeesto kuwa nool iyo kuwa dhintay ee haelada qofka udxiyadala baxaayo.
2=hadii uu ka dardaarmo qofkii inta uusan geriyoonin waa laga udxiyeeynaa ayadoo la fulinaayo dardaarankiisii.
Arinta soo harteyna oo ah in sigaar ah looga udxiyeeyo meydka waa arin culimada isku qilaafsan tahay.


waxaa soo diyariyay calinuur xoogsade


calixoogsade@hotmail.com

 

Udxiyada Wanqal(Caqiiqah) MaKaaGudaa
Udxiyo iyo Waqlal(Caqiiqo) Ma leesku Bixin karaa mar?.


Hadii qof u kulmaan udxiyada iyo waqlalka(caqiiqada) ma u banaan tahay inuu hal neef ku wada bixiyo hal niyad ku bixiyo?
arintaan culimda madaahibta waa isku qilaafsan yihiin waxa ayna kala qabaan laba jawaab
1= Jawaabta hore waa ineysan ku baxeen hal neef laba niyadood oo udxiyo laguma bixin karo waqlal waxaana sidaas qaba culimada madhabta shaaficiyda ,Maalikiyda iyo Xanaabilada(allaha u wada raxmadee) qowlkooda ah .
Waxa ayna sabab ugu dhigeen :{in labo cibaado oo midba sabab leedahay kala yihiin oo sabaabtooduna is qilaafsan tahay}.

، فلا تجزئ إحداهما عن الأخرى ، كما لو اجتمع دم التمتع ودم الفدية فإنه لا يجزئ أحدهما عن الآخر .

Waxa ayna tusaale ugu dhigeen: {dhiiga uu bixiyo qofka mutamatica ah iyo dhiiga fidyada ah oo midkood kan kale lagu dhax bixin karin,sidoo kalana waxa ay yiraahdeen udxiyada iyo waqlalka waxaa loola jeedaa in dhiig cibaado ahaan loo bixiyo midna mid lama dhax galin karo}.

Waxaana arintan la weydiiyay culimad shaafiyada sida ibnuxajar al makiyi (allaha u raxmadee) waxa uuna sheegay: {ineysan isku baxeyn oo ula jeedad labadan cibaado kala duwan tahay oo hadii lees dhax galiyana dantii waa bureysaa maxaa yeelay udxida waxaa lagu furtaa nafta waqlalkana dhalaanka(cunuga) waana ka naskiisii}.

"الذي دل عليه كلام الأصحاب وجرينا عليه منذ سنين : أنه لا تداخل في ذلك ؛ لأن كلاًّ من الأضحية والعقيقة سنَّةٌ مقصودةٌ لذاتها ، ولها سبب يخالف سبب الأخرى ، والمقصود منها غير المقصود من الأخرى ، إذ الأضحيةُ فداءٌ عن النفس ، والعقيقةُ فداءٌ عن الولد ، إذ بها نُمُّوهُ وصلاحهُ ، ورجاءُ بِرِّهِ وشفاعته ، وبالقول بالتداخل يبطل المقصود من كلٍ منهما ، فلم يمكن القول به ، نظير ما قالوه في سنة غسل الجمعة وغسل العيد ، وسنة الظهر وسنة العصر ، وأما تحية المسجد ونحوها فهي ليست مقصودة لذاتها بل لعدم هتك حرمة المسجد ، وذلك حاصلٌ بصلاة غيرها ، وكذا صوم نحو الاثنين ؛ لأن القصد منه إحياء هذا اليوم بعبادة الصوم المخصوصة ، وذلك حاصلٌ بأي صومٍ وقع فيه ، وأما الأضحية والعقيقة ، فليستا كذلك كما ظهر مما قررته وهو واضح ..." انتهى .


Sidoo kalanawaxaa u Alheythami (allaha u raxmadee)ku sheegay mar uu sharaxayay kitaabka Minhaajka:{hadalka asxaabta shaafiyada waxaa ka muuqata hadii hal neef looniyeesto udxiyo iyo waqlal labadooda midna ajarkeeda lama helo,sidaasaana cad maxaa yeelay labadooda mid walba waa sunnno ula jeedo gaar ah laga lee yahay}.
قال الهيتمي رحمه الله في "تحفة المحتاج شرح المنهاج" (9/371) : " وَظَاهِرُ كَلَامِ َالْأَصْحَابِ أَنَّهُ لَوْ نَوَى بِشَاةٍ الْأُضْحِيَّةَ وَالْعَقِيقَةَ لَمْ تَحْصُلْ وَاحِدَةٌ مِنْهُمَا ، وَهُوَ ظَاهِرٌ ; لِأَنَّ كُلًّا مِنْهُمَا سُنَّةٌ مَقْصُودَةٌ " انتهى

2=Jawaabta labaadna waa in labadooda mar la wada bixixn karo sidaasna waxaa qaba madhabka Xambaliyada sida mar uu sheegay Axmad inu xambal io Xanafiyada(allaha u wada raxamadee)waxaana ay tusaale uga digeen {sida hadii qof uu u qubeesto maalin ciid ah jimcana ah ciid ahaan uusan ugu baahneyn qubees jimco}.
وقال البهوتي رحمه الله في "شرح منتهى
الإرادات" (1/617) : " كَمَا لَوْ اتَّفَقَ يَوْمُ عِيدٍ وَجُمُعَةٍ فَاغْتَسَلَ لِأَحَدِهِمَا ، وَكَذَا ذَبْحُ مُتَمَتِّعٍ أَوْ قَارِنٍ شَاةً يَوْمَ النَّحْرِ ، فَتُجْزِئُ عَنْ الْهَدْيِ الْوَاجِبِ وَعَنْ الْأُضْحِيَّةَ " انتهى .

Waxa uuna Ibni abii sheyba(allaha u raxmadee) ku shegay kitaabkiisa Almusanaf in xasan albisri shaaegay in udxiyada iyo waqlalka la isku bixin karo.
روى ابن أبي شيبة رحمه الله في "المصنف" (5/534) : عَنْ الْحَسَنِ قَالَ : إذَا ضَحُّوا عَنْ الْغُلَامِ فَقَدْ أَجْزَأَتْ عَنْهُ مِنْ الْعَقِيقَةِ .
Waxaa ka muuqata ariintai culimaaudiinka ku kala aragti duwan yihiin ,waxaase xasuusin mudan in ay u muuqato jawaabta hore mid udxiyada iyo waqlalka si cad u kala saartay si labadan cibaado aan midna meesha uga bixin oo ay wanaagsan tahay in sidaas lo kala saaro oo mid walba si gaar ah loo sameeyo si ulajeedadii labada cibaado loo gaaro .

Qofki u baahan tafaasiil dheeraad ahna ha ula laabto culumada kitaabka iyo sunnaha cilmiga u leh.

waxaa soo diyaariyay calinuur xoogsade

Calixoogsade@hotmail.com

 

 

KutuboWebsityadaKujiraan

Waxaan Walaalaha Ka Codsanaynaa Wixii Cilad Farsamo Aad webka ku aragtaan Ama uu Ku Furmi waayo WebSiteyada Halkan Ku Jiraan NaSooWarGeliyaBarakalaahu Fiikum

Riix Halkaan Websiteyada kitaabyada

Email: Webmaster@Alixzaan.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

KutuboWebsityadaKujiraan

Waxaan Walaalaha Ka Codsanaynaa Wixii Cilad Farsamo Aad webka ku aragtaan Ama uu Ku Furmi waayo WebSiteyada Halkan Ku Jiraan NaSooWarGeliyaBarakalaahu Fiikum

Riix Halkaan Websiteyada kitaabyada

Email: Webmaster@Alixzaan.com

 

 

 

More Information

Aflax.net

Altaqwaa

Duruus

Addacwah

Hanuun

Sh.Ibnucutheymiin

Sh.Ibnubaas

Sh.Islamibnuthey

Sh.Cismaan Suudani

Sh.M.N.Albaani

Muratil Quraan

Islamway.com

Islamweb.Net

Emanway.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

More Information

 

 

 

Webmaster@Alixzaan.com

Copyright2007 Designed Somalicomputer.com