Waxaa
waayahan badatay in dadkii muslimiinta
ahaa u safraan wadamo looga dhaqmo
diimo diimo aan islaamka aheyn,waxaana
ka dhashay in dadka qaar uu ku dhacay
isbadal xaga dhaqanka ah ,waxyaabaha
soo kordhay waxaa ka mid ah in dadkii
muslinka ahaa dhaqamada qaar ka qaateen
dadkii aaminsanaa diimahii kale sida
in ay kala qeyb qaataan dabaal dagyada
iyo ciidaha u gaarka ahaa dadka aan
muslimiinta aheyn taasoo dhaawaceysa
caqiidadii ay rumees naayeen.
Hadaba waxaa lagama
maarmaan ah in dadkaas loo caqli celiyo
hadii cilimi la,aan ku raacday wax
yaabaha ay sameynayaana la baraarujiyo,sidaas
darteen waxaa maqaalkan ku soo gudbinayaa
waxa ay diinta islaamka ka qabto ka
qeyb galka ciidaha gaalada taasoo
noocyo fara badan leh,sida in la farxo
ama loo hambalyeeyo ciidda darteen
ama la cuno cunooyinka loo diyaariyay
ciidda weyneenteeda.
Waxaa culimada diinta
aqoonta uleh in badan uga digaan dadka
muslimiinta ah in ay wax raad ah ku
yeelato dhaqamada gaalada,waxayna
tilmameen {in qofkii bixiya hadiyad
asagoo weyneynaya ciidahooda sida
gaaladu uweyneyso uu ku gaaloobayo}
caalimka la yiraahdo Abuu
Xafsa alxanafi(allaha
u raxmadee) uu yiri:{hadii
uu ruux qonton sano muslin ahaa cibaadeysan
jirayna ka dibna uu u hadiyeeyo -ukunba
ha ahaa-teeruux gaal ah maalinta uu
ciidaayoasagoo weyney naya ciidaas
inuu ku gaaloobaayo}culimada waxa
ay tilmaameen xataa inaan maalmaha
ciidaha gaalada ruux muslin ah muslin
kale hadiyad u diri karin si uu san
ugu dhaqan ekaan gaalada,sidoo kalana
waa inuusan iibsan ruuxa muslinka
ah waxa ay gaalada iibsadaan maalmahooda
ciida ah asagoon horay u iibsan jirin,waxeyna
yiraahdeen: {weliba hadii uu ula jeedo
inuu ciida gaalada ku weyneeyo wuu
ku gaaloobayaa,hadiise uu u iibsado
cuno iyo cabitaan uu u baahnaa ahaan
dhib malaha oo waa iibsan karaa}
Waxa uu Ibni
Teymiya(allaha
u raxmadee) soo guuriyay waxa
ay diinta ka qabto in hadiyado loo
diro ciidaha gaalada iyo in la cuno
cunooyinka ay u sameesteen ciida daraadeed
ama lagula safro gaadiidka ay ugu
safraan ciidahooda waxa uuna ka sheegay
culimadii asaga ka horeysay hadaladii
ay ka yirahdeen arimahaas:{arintaas
waa karaahi oo culimada iskuma diidana
madhabta maalikiyadana waxaa ku cad
in gaal loo hadiyadeeyo in ay xaaraan
tahay}sidaasna waxaa sheegay C/malik
ibnu Xabiib oo ka
mid ah culimada
malikiyada (aallaha u raxmadee)
Ibnu Qaasim (allaha u raxmadee) mar
la su,aalay in gaadiidka lala raaci
karo masiixiyada marka ay ay ciidahooda
u safrayaan ciidahooda waxa uu ku
jawaabay:{waa uu karaahsaday waxaa
halis ah in illaah caradiisa ku soo
dagato madaama ay gaalnimo ku kulmeen}
waxa uuna raaciyay{muslim uma hadiyadeen
karo gaal ciiddiisa darteed ,waxa
ay noqoneysaa abaal marin iyo in lagu
gacan siiyay gaalnimadooda}waxa uuna
tilmamay arintaas waxa ka sii daran
:{ma u banaana muslimiinta in ay ka
gadaan masiixyada wax maslaxad u ah
ciidooda haduu hilib yahay ama cuno
ama dhar midana lagama gadi karo,
waxaana sidaas qaba Maalik iyo culimada
kaleba mana aqaan ruux ku qilaafsan}
.
Al
Cabdari(allaha
u raxmadee) waxa uu sheegay:{qofkii
in uusan marqaati noqon karin hadii
uu ka sameeyo Neyruuzka iyo mehrajanka
maxaa yeelay waa dhaqan masiixiyo}waxa
uuna sheegay:{qofkii jeclaada qolo
inuu ataga ka mid yahay}
Imaam
al Beyhaqi waxa uu
cinwaan ku samaayay kitaabadiisa midkood:{qeyb
ku sabsan uin ay reeban tahay in gaalada
kaniisadahooda loogu galo malmaha
neyruuzka iyo mehrajaanka} waxa uuna
cinwaankas ku hoos qoray{Cumar
(allaha ka raali
noqdee) waxa uu yiri:ha baranina
luqadaha cajamta gaalada ha u galina
kaniisadahooda maalinata ciidooda
maxaa yeelay carada allaa ku soo dagata}{waxa
uu cumar (allaha ka raali noqdee)yiri:ka
fogaada cadawga eebe maalinata ay
ciidayaan} {C/laahi
ibni camar (allaha ka raali
noqdee)waxa uu sheegay:
Ruuxii dhista cajamta
dhulkeeda ee sameeya neyruuzkooda
iyo mahrajaankooda isuna ekeysiiya
ilaa uu ka geeriyooda waxa lala soo
saaraa gaalada malinta qiyaame}.
Ibnu
Kathiir(allaha
u raxmadee) mar uu soo qaatay
xadiiskii ahaa {qofkii qolo isu ekeysiiya
ayaguu ka mid yahay}waxa uu yiri:{waxaa
laga fahmayaa reebid iyo goodi adag
in gaalada leesku ekeysiiyo xaga hadalka
ficilka iyo labiska iyo xaga ciidooda
iyo cibaadadkooda iwm oo ah arimahooda
gaarka u ah oo aan naloo sharciyeeynin}
.
waxaan ku soo gaabinaayaa
qeybta koowaad ee ku saabsan ka qeyb
galida ciida gaalada iyo waxa diinta
islaamka ka qabto
waxaa soo diyaariyay
cali nuur xoogsade
calixoogsade@hotmail.com
|